Ku: Mudane Liibaan Axmed Xasan
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug
Ujeeddo: Hambalyo iyo Baaq ku Saabsan Matalaadda Haweenka ee Hoggaanka Galmudug
Mudane Madaxweyne,
Somali Gender Equity Movement (SOMGEM) waa hay’ad u ololaysa sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen matalaad siyaasadeed oo u qalanta, sinnaan bulsho iyo fursado dhaqan-dhaqaale oo loo siman yahay, kana shaqaysa nabadda, amniga, dhab-u-heshiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoojinta doorka haweenka.
Annaga oo ah Golaha Sare iyo xubnaha SOMGEM, oo ka kooban ku dhawaad 8,000 oo haween Soomaaliyeed ah, una taagan ilaalinta xuquuqda haweenka, waxaan kuugu hambalyeynaynaa guusha aad ka gaartay doorashada Madaxweynaha Galmudug. Waxaan Alle SWT kaaga baryeynaa inuu kuu fududeeyo mas’uuliyadda culus ee aad dusha saaratay, kuna waafajiyo caddaalad, daacadnimo iyo hoggaan wanaagsan.
Mudane Madaxweyne, waxaan la soconnaa inaad bilowday isku dubbaridka xafiiskaaga, adigoo magacaabay shan xubnood oo dhammaantood rag ah. Tallaabadani waxay baal marsan tahay Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, oo si cad u qeexaya in haweenku helaan ugu yaraan 30% dhammaan jagooyinka la doorto, kuwa la magacaabo iyo kuwa la soo xulo intaba.
Mudane Madaxweyne, sida aad la socoto, haweenku waxay ka badan yihiin kala bar bulshada reer Galmudug, waxaana ku jira haween leh aqoon, xirfad, khibrad iyo karti ay kaalin mug leh kaga qaadan karaan hoggaaminta, horumarka iyo dowlad-dhiska Galmudug. Sidaas darteed, ma habboona in awooddooda iyo kaalintooda layska indho-tiro marka la dhisayo hay’adaha iyo hoggaanka dowlad goboleedka.
Mudane Madaxweyne, waxaan si xushmad leh kuugu baaqaynaa inaad dib u eegto magacaabista aad bilowday, dhowrto xuquuqda dastuuriga ah ee haweenka reer Galmudug, xaqiijisana qoondada ugu yaraan 30%. Matalaadda haweenku ma aha deeq ama fadli, balse waa xuquuq dastuuri ah iyo tiir muhiim u ah caddaaladda, dowlad-wanaagga iyo horumarka waara.
Mudane Madaxweyne, waxaan rajaynaynaa inaad dhisi doonto dowlad loo dhan yahay oo ku dhisan aqoon, khibrad, karti, daacadnimo iyo isla-xisaabtan, aadna noqoto hoggaamiye lagu xusuusto caddaalad, dhowrista dastuurka iyo horumarinta Galmudug.
Wabillaahi Towfiiq. @Liiban_100
Hassan Sheikh is trying to divert public attention toward the UAE to escape the chaos and failures of his own leadership. But Somalis know him too well. Distraction won’t erase his record or shield him from accountability. Shame on him.
@TheVillaSomalia
28
People deserve solutions, not political theater. Democracy needs integrity, accountability, and leadership—not endless political drama. 🇺🇸
#MichiganSenate #2026Midterms
167
Jumca Mubaarak ❤️
Noloshu mar walba nama siiso waxa aynu rabno, balse Ilaahay wuxuu innoo dooraa waxa innoo khayr ka badan.
Samir, tawakal iyo qalbi wanaagsan haka daallin—waxa Alle kuu qoray, cid kaa qadi kartaa ma jirto.
Jimce wanaagsan 🤲🏽
134
Baadida qof baa kula daydaya, daalna kaa badan,aan doonayn in aad hesho, daayin abidkaa, dadkuna moodaan duul wada dhashay, oo aan waxba ka dahsoonayn.
@highlight
60
When home is burning, why run to the UN?
Mogadishu is suffering, Somalia is divided, and the crisis is deepening. Somalia needs leadership at home—not another speech abroad.
@TheVillaSomalia
32
The UN is going downhill. What if women actually held the power?
Maybe it’s time to stop waiting for a seat at the table and build a new one.
Women aren’t here to decorate broken systems. We’re here to transform them.
The time to lead is now. ✊
39
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Maamo Xaawo Aadan Camey waxay ka tagtay dhaxal weyn oo adeeg, waxbarasho iyo garab istaag bulshada ah—gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada.
Alle SWT ha u naxariisto, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo. Aamiin.
143
Axmed Shire’s final words are heartbreaking. A young man in pain, hungry and vulnerable, asking only for mercy.
May Allah have mercy on Axmed, comfort his family, and grant them strength. 🕊️
No one deserves to die without mercy.
90
Somali must recognize what stands in the way of Somalia’s statehood: division, corruption, weak institutions, and leaders who put self-interest before the nation.
#SomaliFuture
1
45
We were told Turkish weapons were meant to fight Al-Shabaab. Now, they appear to be used against civilians and political opponents.
Is Somalia sliding toward a new dictatorship?
Somalia needs democracy—not repression.
49
Somalia at a Crossroads 🇸🇴
Somalia is at a critical crossroads. We need inclusive dialogue, accountable leadership, and a shared national vision. Let this moment open the door to real hope—not another missed opportunity.
@highlight
38
Ilaahay dadka ma dulmiyo, laakiin iyagaa naftooda dulmiya.” — Qur’aan 10:44
Waxa Xamar ka socda waa natiijada siyaasad iyo hoggaan aan shacabka u adeegayn. Haddii aynaan isbeddel doonin, dulmiga innaga ayaa sii oggolaanaya. @TheVillaSomalia
56
Ifrah Farah retweeted
Stunning the level of brazen thuggery this government is involved in. They forget there are still people who are halaal.
This letter is not evidence of justice—it is evidence of a system being used to manufacture legitimacy. A press release cannot erase what happened in Southwest or turn an unelected leadership into a legitimate one.
BAL ADBA
39
If the rules change depending on who wins, are these really elections?
Southwest was contested, yet stood. Now Galmudug faces a different standard.
Same country. Same rules. Same justice.
Otherwise, what are we calling an election?
BAL ADBA 😎
53
Baidoa is burning while ordinary Somalis pay the price. This is what failed political leadership looks like: division, confrontation and political theater while our people suffer.
Somalia needs peace, accountability and leaders who put Somalia before power.
Somalinimo first. 🇸🇴
70
So happy to see Sadiyo Bajaaj finally free. 💕🌹🌹🌹💕
Your courage and strength inspire many women. Congratulations, sis! Welcome back to freedom. Guul iyo nolol cusub! ✊
74
Doorashada Soomaaliya Waa Heshiis Qaran, Ma Aha Go’aan Qofeed.
Doorasho loo dhan yahay ayaa dalka badbaadin karta. Doorashada Soomaaliya laguma go’aamin karo hal qof ama hal koox. Wada-ogol iyo heshiis qaran ayaa lagu gaari karaa sharciyad iyo xasillooni.
✊
116
















