
Official @X account of the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia.
Mogadishu, Somalia
Joined February 2013
- Tweets6.5K
- Following3
- Followers67K
- Likes388
OPM Somalia 🇸🇴 retweeted
Waxaan maanta kulan la yeeshay Safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane László Eduárd Máthé, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Waxaan uga mahadceliyaa Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay dalkeenna, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib-u-soo celinta Nidaamka Caalamiga ah ee Tigidhada Diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u hanatay 35 sano kaddib.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ee ku saabsan qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha JFS.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah, kaasi oo ay soo diyaarisay xarunta Qaran ee Tubsan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Qaraar Lagu Faahfaahinayo Hannaanka Taabbo-gelinta Dastuurka Dalka.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn, ayaa ka hadlay fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska, xoojinta hey’adaha iyo horumarinta nidaamyada Maamulka.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aaddan xuska Maalinta Calanka u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meelmariyay xubnaha Guddiga Maamulka ee Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS.
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲
Prime Minister of Federal Government of Somalia, H.E. Hamza Abdi Barre travelled (5th Octorber) to Balanballe to witness the signing of a historic peace agreement between two neighbouring communities
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥
Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta ka hadlayay furitaanka Bandhigga Dalxiiska dalka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimadda.
Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shalay tababar usoo xirayay qeyb ka mid ah Kumaandooska Danab Ayaa tilmaamay qiimaha askariga.
Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo la baray Xeerka ciqaabta , xuquuqda aadanaha iyo xirfado kala duwan.























































