Gorfayn iyo falanqayn ku saabsan buugga; How to Stop Worrying and Start Living, ayaa lagu qabanayaa maktabadda dadweynaha Sanaag (@Librarysanag).
Xogta iyo xilliga ka akhriso boodhka hoose.
Nagala soo qayb gal, walaal.
Sanag Public Library retweeted
Waa geeri xanuun badan oo taabanaysa dhamaan Ummadda soomaalida, MIW-Hadraawi, Kaliya ma ahayn Suugaanyahan, wuxuu kaloo ahaa mufakir iyo faylasoof ku xeeldheer garashada iyo kabidda wacyiga Ummadda. Alle ha unaxaristo, lama ilaawi doono Hadraawi
Gudoomiyaha Maktabadda oo safar shaqo ku jooga magaalada Ceerigaabo ee caasimadda gobolka Sanaag ayaa booqday maktabadda dadweynaha Ceerigaabo, labada maktabadood oo ay kala metelayaan madaxdoodu ayaa is dhaafsaday buug kala duwan.
Replying to @HassanGabood
@HassanGabood oo ka socday Maktabadda dadweynaha Sanaag( Sanaag Public Library) ayaa xalay ka qayb galay kulan, ay xalay isugu yimaadeeen guddiyada Maktabaddaha akhriska iyo madxafyada.
Sanag Public Library retweeted
Maayarka degmada Badhan Axmed Maxamed Timir waxa uu muujiyey doorkiisa Maktabadda Dadwaynaha Sanaag [@Librarysanag], ku mahadsanid maayar. Dhankale Maayar ku xigeenka degmada marwo Hawa Mohamud Faarah, iyada door weyn ku lahayd Maktabadda, guuleyso.
Cawayskii labaad ee Ramadaanta,Soonka iyo Caafimaadka. Dr Farduus iyo Dr Maxamuud ayaa marti ku ahaa
@Sanwilwilo
@HassanGabood
@AhmdMFarah
@JamusMuscab xitter.cf/LibrarySanaag/status/1…
Maktabaddu waxay bulshada uqaban doontaa Ramadaanta cawaysinno aqooneed, caawa ayayna soo qabanqaabisay kii u horeeyay kaas oo lagaga hadlayay sida uu qofku u xoojin karo xirfadiisa Akhriska.
Guddida maktabadda dadweynaha ee Sanaag ayaa caawa kulan ka dhacay Zoom-ka la yeeshay Maxammed Cali Xaraare oo ah Samafale iyo U dhaqdhaqaaqe bulsho. Kulankan oo ku saabsanaa sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta iyo tayaynta maktabadda ayaa ku soo dhammaaday jawi qurux badan.
Naqshadda cusub ee maktabadda.
Waxaa isku duba riday @SadikJM oo Kamid ah bahda maktabadda.
Caawa waxa ay maktabaddu sanadka 2021 ku sagootinaysaa cawayska Buugga Tilmaam waalid iyo Tababar dhallaan iyo qoraagga buugga Ikraan yuusuf maxammed oo marti ku ah madasha.
2 bilood kadib, Caawa maktabaddu waxay daah furaysaa cawayskeedii koowaad.
#sanaagpubliclibarary














































