
Official X Account. Office of the Director General - H.E. Ambassador Mohamed Ali Nur ( @Ambamerico )
Somalia
Joined September 2025
- Tweets703
- Following6
- Followers1.2K
- Likes805
Pinned Tweet
Waxqabadkii Sannadkii la soo dhaafay ee Dekadda Muqdisho. #muqdishoport
mpa.gov.so/waxqabadkii-dekad…
Mogadishu Port Authority retweeted
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane @AmbAmerico ayaa Jaamacadda @MogUniver جامعة مقديشو ka jeediyay Cashar aqooneed uu kula hadlay ardayda Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Culuumta Maamulka, taas oo diiradda lagu saaray muhiimadda dekedaha, maamulkooda iyo horumarintooda, doorka ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka, iyo fursadaha shaqo ee ka jira ganacsiga iyo gaadiidka badda.
Intii uu socday kulanka, Maareeyaha Guud ayaa ardayda la wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta maamulka dekedaha, kobaca ganacsiga iyo abuurista fursadaha shaqo.
Maareeyaha Guud ayaa muhiimad gaar ah siiya la kulanka ardayda iyo dhallinyarada, isaga oo aaminsan in aqoon-wadaagista iyo isku xirka waxbarashada iyo suuqa shaqadu ay door muhiim ah ka qaataan horumarinta jiilka mustaqbalka.
1/4
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane @AmbAmerico ayaa Jaamacadda @MogUniver جامعة مقديشو ka jeediyay Cashar aqooneed uu kula hadlay ardayda Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Culuumta Maamulka, taas oo diiradda lagu saaray muhiimadda dekedaha, maamulkooda iyo horumarintooda, doorka ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka, iyo fursadaha shaqo ee ka jira ganacsiga iyo gaadiidka badda.
Intii uu socday kulanka, Maareeyaha Guud ayaa ardayda la wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta maamulka dekedaha, kobaca ganacsiga iyo abuurista fursadaha shaqo.
Maareeyaha Guud ayaa muhiimad gaar ah siiya la kulanka ardayda iyo dhallinyarada, isaga oo aaminsan in aqoon-wadaagista iyo isku xirka waxbarashada iyo suuqa shaqadu ay door muhiim ah ka qaataan horumarinta jiilka mustaqbalka.
1/4
Mogadishu Port Authority retweeted
Maanta, waxaan Dekedda Muqdisho ku soo dhoweynay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga Dekedaha Muqdisho iyo Trieste, tababarrada xirfadeed iyo horumarinta adeegyada saadka.
Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa fursadda waxbarasho ee afar dhallinyaro Soomaaliyeed ah loogu dirayo Trieste, anigoo uga mahadcelinaya Dowladda Talyaaniga iyo Gobolka Friuli Venezia Giulia taageeradooda.
Waxaa naga go’an inaan iskaashiga caalamiga ah u beddelno aqoon, xirfad iyo horumar muuqda oo dalkeenna anfaca. @MPortAuthority
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane @AmbAmerico oo uu wehaliyo Mareeye kuxigeen ka Dekada Mudane @aumusse ayaa maanta qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya @ItalyinSomalia, Mudane Pier Mario Daccò, Safiir Ku-xigeenka Lorenza Gambacorta iyo wafdi kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dekedaha Muqdisho iyo Trieste, isdhaafsiga khibradaha, tababarrada xirfadeed iyo horumarinta adeegyada saadka.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qaybgalay Guddoomiyaha ANOLF FVG APS, Mudane Ahmed Faghi Elmi iyo afar dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo loo xushay waxbarasho laba sano ah oo ku saabsan maamulka dekedaha iyo saadka, kana dhici doonta ITS Accademia Nautica ee magaalada Trieste, iyadoo loo marayo mashruuca FORLIS.
Maareeyaha Guud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga iyo Maamulka Gobolka Friuli Venezia Giulia taageerada ay ku bixiyeen mashruuca iyo horumarinta fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga, laguna horumarinayo iskaashiga dekedaha iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.
1/4
Mogadishu Port Authority retweeted
Maanta waxaan Dekedda Muqdisho ku soo dhoweynay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin, oo booqasho rasmi ah nagu yimid.
Waxaa naga go’an xoojinta wada-shaqeynta, horumarinta adeegyada dekedda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. @MPortAuthority
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cumar Macallin, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda Muqdisho.
Wasiirka waxaa si diirran uu soo dhaweeyay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane @AmbAmerico iyo Maareeye Ku-xigeennada Dekedda.
Sidoo kale, soo dhaweynta waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska Dekedda Muqdisho & Taliyaha NISA ee dekada Muqdisho.
Booqashadan ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Wasaaradda iyo Maamulka Dekedda Muqdisho, si loo sii horumariyo howlaha iyo adeegyada dekedda.
1/2
Mogadishu Port Authority retweeted
During Somali Fisheries Week 2026, we had the pleasure of welcoming Deputy Prime Minister H.E. Salah Ahmed Jama (@SalahJama) and Minister of Fisheries and Blue Economy (@FisheriesDevSom ) H.E. Ahmed Hassan Aden aboard our fishing vessel, Maanya Mooya, at the Port of Mogadishu.
The visit highlighted the growing potential of Somalia’s fisheries industry and the important role of private sector investment in developing a competitive seafood sector.
At Marina Seafood, we are proud to contribute to this growth through continued investment, innovation, and sustainable fisheries development.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane @SalahJama ayaa maanta kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay shirkadda @marinaseafoods iyo doontooda Maanya Mooya oo ka shaqeysa kaluumaysiga kaluunka Soomaaliya, maadaama lagu guda jiro asbuuca kaluumaysiga Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, oo uu wehliyay Wasiirka Kalluumeysiga XFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa dekedda waxaa ku soo dhaweeyay maareeye ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, @DrAliHaji iyo @aumusse.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, oo kormeeray doontaan oo ku soo xiratay dekedda Muqdisho ayaa bogaadiyay shirkadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiirraday maalgashiga iyo dhoofinta khayraadka dalka, isagoo sheegay inay ka go’an tahay dhiirrigelinta iyo fududeynta ganacsiga, iyadoo ahmiyad gaar ah la siinayo ganacsatada wax dhoofisa, si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha dalkeenna.
1/3
PMAESA Ports & Maritime Investment Forum 2026 Officially Opens in Dar es Salaam
Full story: pmaesa.org/news/pmaesa-ports…
#PMAESAInvest2026
Mogadishu Port Authority retweeted
The General Manager of the Port of Mogadishu, Ambassador Mohamed Ali Nur (Ameriko), has led a delegation to the PMAESA 2026 Ports and Maritime Transport Investment Forum, held in Dar es Salaam, Tanzania, by the Port Management Association of Eastern and Southern Africa.
The forum focused on investment opportunities, the development of port infrastructure and strengthening Somalia's role in regional trade.
#Somalia @MPortAuthority #PMAESA2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane @AmbAmerico iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Madasha Maalgashiga Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee PMAESA 2026, oo ka dhacaysay magaalada Dar es Salaam, ee dalka Tanzania.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi, horumarinta kaabayaasha dekedaha iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee ganacsiga gobolka.
Dekedda Muqdisho — Maalgashi, Iskaashi iyo Horumar Waara.
1/2



































































